10 CAADO OO AY DADKA GUULEYSTAY QABTAN
CAWEYSKII AMA FIIDKII
1.Wax ay dib u eegis ku sameeyaan Maalintii Dhaamaatay.
Dadka guuleystay waxay leeyihiin wakhti ay dib u eegan milicsiga maalintii dhamaatay. Waxay is weydiiyaan: Maxaa si fiican u qabsoomay ? Maxaase in la horumariyo u baahan? Tani waxay kaa caawinasaa inad la socon karto qorshahaga horumarineed ee maalin laha ah iyo inad wacyi leh u qabato hawlaha aad ku hawlan tahay maaalin walba samee dhigane dib u eegis maalintada ah.
Dadka guulaysatay waxay leeyihiin qorshe cad iyo dhigane ay ku daba joogan maalintoda, Waxay leeyihiin dhigane Qoritaan, xasuus qor, iyo abuuris naf ogaal ama in si deggan in loo fakaro maalinta wixii ku qabsoomay waxay kobcisaa is-fahamka Naftada aad la leedahay iyo horumarka naftada.
2. Waxay Qorsheeyaan Maalinta Berri
Waana Talada ugu fiican iyo qorshaynta ugu wanaagsan in wax waliba ku siikala cadyihiin
Sidaa darteed qorshe marwalba maalin kahor maalinta soo socota.
Waana mid kamid ah Caadooyinka dadka guuulaystay.
3. Waxay leeyihiin wakhti Nasasho Shaqada maalintii Kadib
Waxayalaha tani kaa caawin kara inad
Samayso waxa kamid ah #Nasasho gaaban #sida hurdo #ama inad wakhti siiso dadka aan jeceshahay # sida qoyska, iyo saxiibadada, # ama booqasho gaaban meelaha aad jeceshahay aad ku tagto
Waxyalahasi oodhan waxay ka caawin doonan inad dareento nasasho iyo daganaanshiyo dheeri ah wakhtiga nasashada. Sido kale dadka guulaystay Waxa ay iska ilaaliyaan shaqooyinka dambe ee habeenkii.
Arimahaasi oodhan waxay ka caawin karan ilaalinta tamartada iyo firficoonidada shaqada maalintii kadib,waxayna ka hortagaan daalka joogto ah.
4. Wax- Akhris
Dadka guuleystay waxay akhriyaan buugaag dhiirrigeliya ama nasasho u keena naftooda. Xitaa 10 daqiiqo oo akhris ah habeenkii waxay kobcisaa aqoonta iyo wacyigaga.
Dhamanten waynu ognahay in wax-akhrisku leeyahay faaiidooyin tiro badan.
Wax akhriska waxa laga dhaxlaa afkarihii iyo waayo-aragnimadii dadki inaga horeeyey sida darteed inad wax akhris yeelata waa mid kamid ah waxyalaha maskaxdada lagu kobciyo
Waana caadoyinka dadka guulaystay.
5. Waxay Dhaqan Ka Dhigtaan Mahadnaq
Waxay ka fikiraan ama qoraan waxyaabaha ay uga mahadcelinayaan nolosha iyo nicooyin Allah siiyey
Mahad-naqida ama gratitude waa inad qorto maalin walba ugu yaran saddex shay oo aad allah ugu madnaqayso
Maalinta in allah ku siiyay.
Tani waxay kaa caawinasa dareenka ah qanacsananta wax walba oo allah ku siiyay maalintada sidoo kale inaad qorto ugu yaran saddex shay oo maalintada alle ugu madcelisaa waxay kaa yaraysaa walaaca waxayna u keenta qofka niyadsamaan waxay ka caawisa qofka qaadashada hurdo fiican oo habeen kii ah.
6. Waxay Xadidaan Isticmaalka shaashadaha iyo taleefanka.
Yaraynta isticmaalka faraha badan ee taleefannada, TV-ga kahor hurdadu waxay qofka ka caawisaa inu helo deganaanshiyo maskaxeed.
Waxa aynu ka wada warqabna in social media-yuhu leeyahay laba af. Hadii dhanka wanaagsan aad u isticmaasho
Sida inad aqoontada kor u qaado aado adeegsanaya social media waxad ka faaiidaysan karta fursadaha yaalla, hadii dhanka xun aad u adeegsato isticmaalka shaashada iyo tvga waxay kaa lumin karan wakhtiaga aad waxkale oo ku anfaca naftada aad ku bixin lahyd wakhtigaga.
Ugu dambayn dadka guulaystay waxay gabi ahan yaree yaan isticmaalka shaashada, mobileka iyo Tvga.
7. Ilaalinta Jadwal Joogto ah Hurdada habeenkii.
Dadka guulaystay waxay leeyihin jadwal ay ku ilaaliyaan hurdada habeenkii, waxay seexdan wakhti isku mid ah habeenkii, Waxay raacaan hab-raac jadwalka hurdada sida daryeelka maqaarka ah, iyo caadoyinka ay naftoda ku ilaaliyan, sida #cunis cunto fudud hurdada kahor si dheefshiidka cuntada loo fudaydiyo. Joogtaynta caadoyinka hurdada kahor waxay jidhkaaga u sheegaan in wakhtigii hurdada la gaaray Naftaduna nasasho u baahan tahay. Tani waxay kaa caawin doontaa.
8. Waxay Daryeelaan Xiriirka Qoyska Iyo Asxaabta
Dadka guulaysta waxay leeyihiin xiriir wanaagsan oo joogto ah Waxay wakhti tayo leh la qaataan qoyska ama dadka ay jecel yihiin. Tani waxay keenta in xiriir wanaagsan iyo la-talin wanaagsan qofku ka helo dadka ugu dhaw dhaw ee uu xiriirka fiican kala dhaxeeyo, inad xiriir wanagsan iniga dhaxeeyo adiga iyo qoyskaga waxay ka dhigtaa in aanad kali ku noqonin arimaha iyo haddiiba ay dhibi ku qabsato in aad yeelato cid aad la wadaagto.Xiriirka wanaagsan wuxuu hagaajiyaa caafimaadka dareenka iyo farxadda qofka.
9. Waxay Sameeyaan Jimicsi Fudud Fiidkii.
Haddaba dadka guulaystay waxay sameeyan jimicsi si joogto ah.Waxay sameyaan sida socod gaaban waxay ku dadal in ay samaynayaan cadooyin wax u ool ah kahor hurdada.Tani waxay nasisaa jidhka waxayna nadiifisa maskaxda.
10. Waxay Muuqaal Ka Sameeyaan Guusha Ay Rabaan.
In aad aragti fog ka yeelato hadayada iyo yoolalkaga waxad ka helaysa inad hesho sawirka iyo safarka yoolkaga
Mar walba oo aad suuraysato hadafakaga iyo yoolkaga waa mar marka ka sii dambeeya inad u dhawaato yoolkaga. Dadka guulaysay waxay sawiraan yoolalkooda,maalinle,toddobaadle,bile iyo waliba sanadle tani waa mid kamid ah waxyalaha u sahlay in si fudud ku gaadhan yoolkoda iyo hadafkooda
Marwalba ka lahaw qorshe iyo sawir fiican hadafkaga si ay kugu sahlanaato inad ku gaadho si fudud. Inad sawirto ama Muuqaalka ka samayso guusha iyo yoolalka aad leedahay waxay kaa caawisa kalsoonida iyo aragtida cad ee yoolkaga.
Gaba - gabadii
Ku dhaqanka-10kan Caado ee aan kor ku xusnay hadii aad ku dhaqanto waxay kaa caawin doonta in aad gaadho guul wax ku ool ah. Samaynta caadoyin wanagsan oo fiidkii ahi waxay keenta hab-fikir maskaxeed oo togan, Naf ogaal iyo horumar joogto ah.
_#Nala wadaag wixii fikirkaga ku aadan.
Contact us the Email below 👇
ilyaazahmed6@gmail.com
0 Comments