Top posts

6/recent/ticker-posts

Places To Visit Somaliland.





Goobaha loo  Dalxiiso Ee Somaliland


Safarka iyo dalxiisku waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha aadanaha. Waa fursad uu qofku kaga baxo nolol maalmeedkiisa,  iyo inu barto waayo aragnimo, dhaqamada dadka iyo meelo cusub Dalxiisku maaha oo kaliya madadaalo, balse waa wax waxbarasho, kobcin aqoon iyo kobcinta xiriirka bulsho. Somaliland waxay leedahay dhul dalxiiseed meelo qurux badan iyo goobo taariikhi ah oo soo jiidasho leh oo dabiici ah.


1. Dhul Xeebeedka Berbera

 Somaliland: waxay leedahay xeebaha ugu dheer Afrika, iyadoo leh xeeb gaaraysa in ka badan 3,000 km oo isku wareeg ah Xeebta Berbera, magaalada Berbera waa mid ka mid ah meelaha ugu quruxda badan ee gaar ahana biyaha badda, Berbera waxay leedahay xeeb balaadhan oo lagu dalxiisi karo,cimilo kuleyl ah, iyo bacaadka badda, dhulxeebeedka siman ayaa ka dhigtaysa mid dhalkiiska ku wanaagsan.


2. Laas Geel (Somaliland)

Laas Geel waa goob taariikhi ah oo farshaxan ah Waa goob qadiimi ah oo lagu tilmaamo mid ka mid ah meelaha ugu cajiibsan ee farshaxanka dhagaxa lagu sameeyay (rock art) ee Afrika. Sawirrada ku yaalla Laas Geel waxay muujinayaan noloshii dadkii hore, xoolahoodii, iyo cibaaddii ay caabudi jiren. Waa goob cajiib ah oo ku taalla jihada waqooyi ee magaalada Hargeysa.



3. Dooxa Daallo

Daallo waa buur caan ah oo ku taalla bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag, meel u dhow magaalada Ceerigaabo. Dooxa Daallo waa meel cagaaran oo leh dhir iyo geedo qurux badan oo cajiib ah oo aan laga helin meel kale oo badan.

Waa mid ka mid ah goobaha ugu quruxda badan uguna hodansan uguna dabiicisan ee dalka Somaliland. Dadka deegaanka waxay Daallo u yaqaanaan hooyada cimriga dheer iyo barwaaqada, waayo waxay leedahay cimilo deggan, dhir cagaaran, iyo xayawaan badan oo kala gedisan.


Markaad cagta dhigto Daallo, waxaad dareemaysaa neecaw qabow oo nadiif ah, caraf udgoon oo ka imaanaya dhirta geedaha dhaadheer, iyo codka shimbiraha oo ku salaamaya. Dhulka buurta ah ee Daallo waxa uu ka kooban yahay dhir badan sida geedaha yicibta, qodaxda, xangeeyada iyo geedo u gaar ah oo aan laga helin meel kale oo Somaliland ah.


Mid ka mid ah waxyaabaha ka dhigaya Daallo meel gaar ah ayaa ah in ay leedahay noocyo dhir ah iyo xayawaan aan laga helin meel kale. Cilmi--baarisyo badan oo ka yimid dalalka kale ayaa u safray Daallo si ay u daraaseeyaan noolaha deeganka halkasi ku nool. Daallo waa buur dheer oo gaadha daruuraha oo leh cimilo qabaw taasoo ka dhigtay meel lagu nasto, lagu fikiro, oo u wanaagsan jawiga iyo muuqalka maskaxdu ku dagayso.

Daallo sidoo kale waxay leedahay taariikh dheer. Waxaa la sheegaa in boqortooyooyinkii hore ee gumaystihii ingiriisku ay si gaar ah u qadarin jireen buurtaas, xataa qaarkood ay halkaas u safri jireen si ay u helaan daryeel dabiici ah ama wax ka ogaadaan saadaasha cimilada.

Daallo ma aha oo keliya buur qurxoon waa meel leh qiimo iyo taariikh-nololeed, iyo mid dabiici ah. Waa astaan ka mid ah qurxoon oo ka mid ah meelaha loo dalxiisi karo Somaliland.


4. Buuraha golis ee Guban (Somaliland)

Buraha golis iyo deegaanka Guban ayaa si gaar ah caan ugu ah deegaanka buuraha iyo dhirta kala duwan. Waxay noqon karaan meelaha loogu talagalay dalxiiska  iyo dhulqaad simeedka waxa inta badan ku nool ugaadha noocyadeeda Kala duwan.


5. Zeylac (Saylac) – Somaliland

Zeylac waa magaalo qadiimi ah waxay dhacdaa galbeedka Somaliland waxay ahayd magaalo ganacsi oo muhiim ah xilligii boqortooyadii Islaamka. Waxay leedahay dhismayaal iyo taariikhi ah, masaajidyo qadiimi ah waana magaalo xeebeedd aad u qurux badan oo loo dalxiiso sanad walba. Waxay gaar la tahay dhul xeebed aad u balaadhan iyo kulul.

Xeebta Saylac waa mid ka mid ah meelaha ugu cajiibsan ee dalxiisuhu ku raaxaysan karo. Biyaha badda ee cas- ama red sea iyo ciidda nadiifta ah waxay siinayaan dalxiiseyaasha dareen deggan oo dabiici ah.


Waxyaalaha ay xeebta Saylac kaga duwan tahay xeebo kale:


Dhulal madhan oo dabiici ah

Xeebtu waa degaan dabiici ah oo aan si buuxda u horumarsanayn, taasoo ka dhigaysa meel bilicdeedu dabiici tahay wax ana ku yalla masjidka loo yaqaanu MASJIDU-QIBLATAYN


Xayawaan baddeed kala duwan

 Waxaa lagu arka saylac kalluun kala nooc ah, shinbiraha badda ku nool, iyo ay gaar la tahay saylac


Qorrax dhaca qurux badan

Qorrax dhaca xeebta Saylac waa mid soo jiidasho leh, waxaana lagu arkaa midabka cirka oo isu beddelaya guduud iyo huruud, taasoo sawir-qaadayaasha ka dhigtay mid jecel soo booqashada xeebtan saylac.



Taariikhda Hore ee Saylac


Saylac waxay ahayd magaalo ganacsi oo muhiim ah qarniyo badan kahor. Waxay xiriir ganacsi la lahayd Carabta, Hindiya, iyo Shiinaha. Waxay ahayd xarun islaamiyadeed oo caan ah, halkaas oo culimo, ganacsato, iyo sayidyo waaweyn ay ku noolaayeen.


Boqortooyadii Ifat

 Saylac waxay ahayd caasimaddii boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Ifat, taasoo ahayd awood weyn oo ka talin jirtay dhulkan balaadhan.


Masjidadii qadiimiga ahayd

 Magaalada waxaa ku yaal masjido laga dhisay dhagaxyo waaweyn oo aad u qadiimi ah, qaab dhismeedkooduna muujinayo xirfaddii ay lahaayeen dadkaasi magalada ku nolan jiray.


Dekadda saylac oo ahayd

Saylac waxay lahayd dekad qadiimi ah oo ay ganacsatadu uga dhoofin jireen waxyaabaha laga helo Dadki ku nolaa deeganada somaliland sida xoolaha, hargaha, macdanta,dhirta iyo waxyalo kale oo laga heli jiray xeebta saylac.



6. Xeebta Ceeldaahir Xeebtan 

waxay ku taallaa bariga gobolka Sanaag, waana meel aan weli si buuxda loo sahamin Waa xeeb dabiici ah oo nadiif ah, oo lagana helo kalluun kala duwan iyo duurjoog ku nool badda agteeda.






7. Macadka Qadiimiga ah ee Sheekh

Magaalada Sheekh waxay leedahay taariikh dheer, waxayna ahayd meel cilmiga iyo diinta lagu barto muddo qarniyo ah. Sidoo kale, deegaanka Sheikh wuxuu leeyahay cimillo deggan iyo buuro qurxoon.



Khibrado Laga Dhaxlo Safarka iyo Dalxiiska


Safarka wuxa uu qofka ka bartaa waxyaabo badan oo ka baxsan waxbarashada fasalka. Waa hab uu qofku ku kobciyo aqoonta, fahamka bulshada, iyo is dhexgalka.


1. Barashada Dhaqamada dadka Kale:

Markaad safar gasho, waxaad la kulmaysaa bulshooyin leh luuqado iyo Afaf kala duwan, cuntooyin, iyo xeerar bulsho oo kala gadisan. Tani waxay kordhisaa dulqaadka iyo fahamka kala duwanaanshaha bulshooyinka.


2. Kobcinta Aqoonta Taariikhda iyo Juquraafiyadda:

Dalxiiska gudaha iyo dibadda wuxuu qofku ku barta taariikhda, degaannada, iyo sida ay noloshu u kala duwan tahay meelaha kala duwan. Tusaale ahaan, booqashada Laas Geel waxay qofka siisaa faham qoto dheer oo ku saabsan farshaxanka iyo dhaqanka dadkii hore lahayeen.


3. Nasasho Maskaxeed iyo Mid Jidheed:

Safarka wuxuu qofka ka nasiiyaa walbahaarka nolosha. Waxaa laga helaa firaaqo, madadaalo, iyo wakhti lagu nasto. Waxaa la ogaaday in dadka safra ay yareeyaan cadaadiska dhiigga, hurdo fiican helaan, iyo caafimaad guud oo wanaagsan yeeshaan.


4. Dhisidda Xiriirro Bulsho:

Booqashada meel cusub waxay keentaa in la helo asxaab cusub, laga faa’iidaysto xiriirro shaqo ama ganacsi. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dhalinyarada iyo isdhexgalka.



Talooyin Safarka ah


Markasta oo aad safrayso ama meelo cusub aad booqanayso waxa aad u bahan tahay inad ii ogaato meesha aad u safrayso waa inad maskaxda ku haysa arimahan soo socda si uu safarkaagu u noqdo mid xiiso leh.

 Talooyinkan ayaa kaa caawin kara in safarkaagu noqdo mid xiiso gaar wata:


1. Qorsheynta xili Hore:

Waxaa muhiim ah in safarka la qorsheeyo  waqtiga kahor . Xulo goobta aad u socoto, baro cimilada, dhaqanka, iyo nidaamka deegaanka. Haddii aad booqanayso Laas Geel, ogaaw haddii loo baahan yahay ogolaansho ama hagayaal si safarkaagu u noqdo mid xiiso leh badqabkaguna u sugnaado.


2. Kaydinta Lacagta:

Safarka wuxuu u baahan yahay kharash. Waxaa fiican in aad horay u qorsheysato miisaaniyadda safarka. Samee kayd bille ah, iska ilaali kharashaadka aan muhiimka ahayn, si aad u hesho lacag kugu filan inta aad safrayso ama dalxiiska aad ku jirto.


3.Qalabka Safarka:

Hubi inaad sidato qalabkaaga  muhiimka kuu ah sida:


Baasaboorka ama aqoonsi rasmi ah


Telefoon iyo charger


Dawooyinkaaga gaarka ah


Cuntadda iyo biyahaga 


Kamera ama telefoon leh sawir qaadis fiican leh si aad u xasuusato safarkaaga



 Ilaalinta Badbaadada naftada:

Marka aad safreyso, ku dadaal amnigaaga. La soco meelaha laga yaabo inay khatar yihiin. Ka fogow goobaha laga digay in la booqdo, isla markaana ha tagin meel aad kaligaa tahay meelaha khatarta ah gaar ahan habeenkii.


 U Diyaar Galow Cunto & Dhaqan Kala Duwan:

Qofka safar u baxaya waa in uu maskax furan yeesho. Qaar ka mid ah dhaqamada ama cuntooyinka aad la kulmi doonto waa kuwo ka duwan kuwii aad hore u taqaanay, laakin ku dadaal in aad tijaabiso waxyaabaha cusub si aad u kobciso fahamkaaga iyo la dhaqanka bulshooyinka kale.


Gabagabadii iyo Gunaanadkii


Soomaaliya iyo Somaliland waxay leeyihiin khayraad dalxiis oo aad u qurux badan, waxaana muhiim ah in dadkeedu ay bartaan kana faa’iideystaan. Safarku ma aha oo kaliya dalxiis, balse waa barasho, madadaalo, iyo xiriir bulsho. Haddii la horumariyo dalxiiska gudaha, waxaa suurtagal ah in la helo dakhli dhaqaale, shaqo abuur, iyo horumar bulsho. Haddaba, qof walba ha isku dayo in uu ugu yaraan mar u safro goob dalxiis oo ka tirsan dalkiisa, si uu aad uga boggo quruxda dabiiciga ah, taariikhda iyo dhaqanka hodanka ah iyo goobaha taariikhiga ah ee  dhalka Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments